Home / Habka-Nolosha / Barcelona oo bisha Janaayo u dhaqaaqeysa soo xera galinta Christian Eriksen

Barcelona oo bisha Janaayo u dhaqaaqeysa soo xera galinta Christian Eriksen

Muqdisho – Barcelona ayaa diyaar u ah inay bisha Janaayo u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Tottenham Christian Eriksen, sida laga soo xigtay Don Balon.

Inkastoo lala xariirinayey laacibiinta kooxaha Arsenal iyo liverpool ee Mesut Ozil iyo Philippe Coutinho, haddana waxay aaminsan yihiin in xiddiga reer Denmark uu ciyaari karo qaab ciyaareedka kooxda, kaas oo la aamin sanyahay in uu ku dhisan yahay Baas baas iyo kubbad heysi.

Tottenham ayaa horay u sheegatay in xiddigeeda uusan iib aheyn laakiin kooxda camaaliqada Spain ayaa diiday in ay ka quusato isla markaana u aragta xiddigan mid xal u ah kooxda.

Xiddigan kubbad sameeyaha ah ayaa qudhiisu waxa uu horay u xaqiijiyay in uusan diidi doonin haddii uu helo dalab kaga yimaada koox lamid ah Barcelona.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan