Home / Cayaaro / Barcelona oo daawatay geesigii Red Bull Salzburg ee UCL

Barcelona oo daawatay geesigii Red Bull Salzburg ee UCL

Himilo- Kooxda Barcelona ayaa la warinayaa inay u aqoonsatay weeraryahanka kooxda Red Bull Salzburg Erling Braut Haland in uu yahay xiddig macquul ah saxiixiisa mustaqbalka.

Inkastoo 19 jirka loo tixgeliyo inuu yahay mid ka mid ah rajada ugu sarreysa ee kubada cagta Yurub ugu yaraan hal sanno, saamiga da’yarka ayaa sii kacay toddobaadkan ka dib seddexleey uu ka dhaliyay kooxda Genk ee Champions League.

Barcelona ayaa ku biirtay liiska naadiyada  xiiseynaya  Erling Braut Håland kaddib markii ay u direen wakiilo indha indheeyayaal ah si ay u daawadaan weeraryahanka kaddib qaab ciyaareedkiisii wacnaa ee Champions League.

Sida ay sheegayaan wararka gudaha Spain, kooxda Barcelona ayaa goobjoog ka ahayd qiimeynta horumarka uu samaynayo Haland intii lagu jiray koobkii adduunka ee xiddigaha da’doodu ka yar tahay 20 ka sanno, kaas oo la qabtay May iyo June.

Haland ayaa saameeyay cinwaannada ugu sarreeya wargaysyada  kaddib markii  uu dhaliyay sagaal gool isla hal kulan oo ay la ciyaareen Honduras, inkastoo uu ku guuldareystay inuu shabaqa soo taabto labadii kulan ee Norwey.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan