Home / Cayaaro / Barcelona oo dhageysaneysa dalabaadka Antoine Griezmann

Barcelona oo dhageysaneysa dalabaadka Antoine Griezmann

Himilo – Barcelona ayaa diyaar u ah in ay dhageysato dalabaadka cayaaryahanka Antoine Griezmann inta lagu guda jiro suuq furanka xagaaga.

Griezmann ayaa Barcelona kaga soo biiray Atletico bishii July ee sannadkii hore laakiin cayaaryahanka Faransiiska ah ayaa ku dhibtooday in uu sameeyo bandhig wanaagsan isaga oo keliya dhaliyay 15 gool islamarkaana caawiyay afar kale 46 kulan.

Qandaraaska 29 jirka Camp Nou ayaa ku eg June sannadka 2024-ka laakiin sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, kooxda reer Catalan ayaa diyaar u ah dhageysiga dalabaadka laacibka ku guuleystay koobka adduunka 2018.

Manchester United iyo Arsenal ayaa goor sii horreysay lala xiriiriyay xiisaha weeraryahanka oo hadda ka soo kabanaya dhaawac si uu diyaar ugu noqdo kulanka Champions League oo ay Barcelona kahor imaaaneyso Napoli 8-da August.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan