Home / Cayaaro / Barcelona oo diyaar u ah saxiixa laacib Blues ah

Barcelona oo diyaar u ah saxiixa laacib Blues ah

Himilo- Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay si lama filaan ah ugu dhaqaaqdo  Willian oo si bilaash ah lagu heli karo ka hor suuq furanka xagaaga soo socda.

Kooxda reer Catalan ayaa soo bandhigtay xiisaha ay u qabto kubadsameeyaha reer Brazil in muddo ah laakiin ku guuldareystay dalab 40 milyan ginni ah xagaagii.

Willian, oo Chelsea kaga soo biiray Shakhtar Donetsk sannadkii 2013, ayaa qandaraaskiisa waxa uu dhacayaa dhammaadka xilli ciyaareedkan, umana badna inuu helo heshiis cusub, iyadoo Blues ay ku adkeyd inay qandaraasyo cusub  siiso ciyaartoy ay da ‘dooda ka weyntahay  30 sanno.

Sida laga soo xigtay The Mirror, Valverde ayaa weli ka go’an inuu ku daro Willian qorshooyinka weerarka ee xagaagan, waxaana uu u dhaqaaqi doonaa inuu dalbado marka uu 31 jirkani xor noqdo.

Tababaraha Barcelona ayaa si xur ah u fasaxay qaab ciyaareedkiisa weerarka isagoo si ammaah ah ku baxay weeraryahanka aan la dooneynin ee Philippe Coutinho.

Wararka ayaa soo jeedinaya in kooxda heysata horyaalka La Liga inay sidoo kale diyaar u yihiin inay la wadaajiyaan Ousmane Dembele ka dib markii uu Valverde ka doorbiday ninka reer France.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan