Home / Cayaaro / Barcelona oo €112m ku dooneysa Lautaro Martinez

Barcelona oo €112m ku dooneysa Lautaro Martinez

Himilo – Barcelona ayaa isku diyaarineysa inay € 112m kula soo wareegto weeraryahanka Inter Milan Lautaro Martinez, sida ay sheegayaan wargeysyada Argentina, ka dib markii Copa America uu bandhig ka sameeyay.

Weeraryahanka ayaa 22 jirsan doono bisha August, waxaa loo soo xushay qarankiisa xagaagaan, isagoo dhaliyay goolal laba kulan oo xiriir ah taas oo keentay in macagiisa uu ka soo muuqdo  saxaafadda.

Waxa uu yahay gooldhaliyaha ugu sarreeya ee macallin Lionel Scaloni, waxaana uu leeyahay shan gool 9 kulan oo uu u ciyaaray wadankiisa isagoo ka garab ciyaaraya Leo Messi.

Sida laga soo xigtay Radio La Red, Barcelona ayaa go’aansatay in Lautaro  bartilmaameed ka dhigato oo ay ka doorbidaan laacibka ay isku naadiga yihiin ee Inter Mauro Icardi, waxaana ay isku diyaarinayaan  dalab € 112m inay ka gudbiyaan.

Waa qiimo aad u sarreeya  iyadoo Nerazzurri ay keliya kaga soo iibsatay  kooxda Racing Club € 14m oo lagu daray gunno sannad ka hor.

Racing ayaa noqon doonta mid ka macaasha  boqolkiiba 10 haddii  la iibiyo xiddigan, halka la aamisan yahay in Lautaro uu heysto qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa  oo ah 112 milyan Euro.

Ma ahan mid xun xilli ciyaareedkii ugu horreeyay ee Serie A, kaasoo dhaliyay sagaal gool, waxaana uu caawiyay laba gool 35 kulan oo uu u saftay Inter.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan