Barcelona oo garaacday Real Madrid

Kooxda Kubadda Cagta Dalka Spain ee Barcelona ayaa garaacday kooxda ay sida weyn u xifaaltamaan isku waddankana ka dhisanyihiin ee Real Madrid.

Labada kooxood ayaa ku jira kulamada saaxiibtnimo ee ka horreeya Horyaallada dalalka Europe,waxaana ay labada koox isku arkeen Magaalada Arlington ee Gobolka Texas.

Barcelona ayaa 3-0 uga badisay Real Madrid ciyaar ay goolasha ka kala heshay Xiddigaha kala ah; Ousmane Dembele, Fermin Lopez iyo  Ferran Torres.

Real Madrid ayaa gool ku laad ay heshay waxaa ka khasaariyay Vinicius Junior , oo birta ku dhuftay kubbaddii uu laaday.

Tababaraha Barcelona Xavi Hernandez, ayaa natiijada ciyaarta ku micneeyay marin habaabin isaga oo sheegay in ciyaaraha dhabta ah ee El Classico ay dambeeyaan.

error: Copy lama Ogola Fadlan