Home / Cayaaro / Barcelona oo guul ka gaartay heshiiska Lautaro Martinez

Barcelona oo guul ka gaartay heshiiska Lautaro Martinez

Himilo – Barcelona ayaa guul ka sameysay wadahadalka ay ku dooneyso saxiixa weeraryahanka Inter Milan Lautaro Martinez.

Billowgii toddobaadkan, madaxweynaha Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa xusay inay jiraan wadahadallo ku saabsan heshiiska cayaaryahanka qaranka Argentine.

Si kasta, sida laga soo xigtay SER, labada dhinac ayaa gaaray isfaham hordhac ah oo horseedi kara in la gaaro heshiis dhammeystiran.

Warbixinnada ayaa tilmaamaya in kooxda reer Talyaani aqbali karto £37.11m oo laga soo gudbiyo laacibka 24 jirka ah.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan