Home / Habka-Nolosha / Barcelona oo heshiis ka saxiixanaysa mid kamid ah xiddigaheeda muhiimka ah.

Barcelona oo heshiis ka saxiixanaysa mid kamid ah xiddigaheeda muhiimka ah.

Muqdisho – Kooxda kubadda cagta ee Barcelona ayaa ka shaqeyneysa inay heshiis cusub ka saxiixdaan goolhayeheeda  si waqti badan uu u si joogo gegida  Camp Nou ee magaalada Barcelona .

Sida uu wargeyska Mundo Deportivo sheegey  maamulka Barcelona ayaa diyaar u ah in goolhayahaa reer Jarmal ee André ter Stegen ka saxiixdaan heshiis gaaraya illaa iyo sanadka 2022-ka.

Tan iyo markii André ter Stegen u yimid kooxda Barca  xagaagii la soo dhaafay midkii ka horeeyay ayuu  soo bandhigaya heer ciyaareed wacan waxa uuna muhiim ka yahay shaxda kooxdaas isaga oo si waagsan u buuxiyay booska goolhayihii rer Chile ee Bravo.

Warka ayaa intaas ku daraya in heshiiskaas cusub ay Barcelona doonayaan in ay dhameeyaan kahor inta xilli ciyaareedkan.

Goolyahaan ayaan qudhiisa diidi doonin heshiis kordin uu ka helo kooxda Camp Nou ka dhisan ee Barcelona maadaama uusan jirin goolhaye kale oo hadda booskiisa uga cabsado.

Qore: Abdi-aziz Adan Urur.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan