Home / Cayaaro / Barcelona oo hogganka u heysa soo qaadashada Luka Jovic

Barcelona oo hogganka u heysa soo qaadashada Luka Jovic

Himilo FM –Barcelona ayaa safka hore ugu jirta soo qaadashada  weeraryahanka Eintracht  xiddiga lagu magacaabo Luka Jovic, sida ay ku waramayaan warbixinada maanta.

21 jirkan ayaa dhaliyay 19 gool 29 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan isaga oo bartilmaameed u noqday kooxaha  Chelsea, Bayern Munich iyo Real Madrid.

Frankfurt ayaa fursad u heysata inay Jovic ka soo saxiixato Benfica heshiis 5.3 milyan oo ginni ah dhammaadka xilli ciyaareedkan, waxaana markaas lagu soo waramayaa inay qorsheynayaan in laacibkan ay lacago badan ku iibiyaan.

Goal.com ayaa sheeganeysa in kooxda Jarmalka ay £ 52milyan ku dooneyso xiddiga heerka caalami ee dalka Serbia, inkastoo Barca ay rajeyneyso inay qiimaha lagu iibin karo ay ka dhigto 31 milyan oo ginni, taasi oo weli faa’iido weyn u ah Frankfurt.

Kooxda Catalonia ka dhisan ee Barca  ayaa raadineysa weeraryahan kahor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xagaaga si uu u bedelo Luis Suarez, halka Chelsea, Bayern iyo Madrid ay sidoo kale doonayaan inay keenaan weeraryahan cusub.

Jovic ayaa dhaliyay 22 gool 42 kulan oo Bundesliga uu u saftay Frankfurt.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan