Himilo – Barcelona ayaa isku diyaarineysa inay u dhaqaaqdo Pep Guardiola haddii racfaanka Manchester City ee Maxkamadda Xallinta Khilaafaadka Sport ka dhanka ah la laalo. CAS ayaa la rajeynayaa inay go’aan ka gaarto dhowrka toddobaad ee soo socda kaddib markii City ay racfaan ka qaadatay ganaaxa UEFA ee la xiriiray jebinta xeerka dhaqaale wanaagga ee ‘Financial Fair Play ‘.
Guardiola oo shaqada City kala wareegay Manuel Pellegrini afar sanno ka hor ayaa galaya sanadkii ugu dambeeyay heshiiskiisa 20-ka milyan ee ginni.
Kooxda sannadkii tegay hanatay Premier League, ayaa la filayaa inay la fariistaan Guardiola dhammaadka xilli ciyaareedka si ay ugala hadlaan mustaqbalkiisa.
Laakiin Barcelona, oo kaliya u magacowday tababarahooda Quique Setien bishii Janaayo, ayaa ku kalsoon in Guardiola uu diyaar u yahay inuu ku laabto magaaladiisa haddii ganaaxa City la xayiro.
Kaliya waxay ku guuleysteen Champions League hal jeer sanadkii 2015 tan iyo tababarihii ugu guulaha badnaa taariikhdooda uu siddeed sanno ka hor ka dhaqaaqay kaddib markii ay 14 koob ku guuleysteen afar xilli ciyaareed ee uu la joogay.