Home / Cayaaro / Barcelona oo ka niyad jabsan saxiixa Neymar

Barcelona oo ka niyad jabsan saxiixa Neymar

Himilo –Barcelona ayaa kalsooni ku qabin inay awoodi doonaan inay Neymar ku soo celiyaan xagaagan Camp Nou, sida lagu sheegay warbixinta.

Kooxda Ernesto Valverde ayaa isku dayaysa inay dib ula soo wareegaan xiddiga reer Brazil xagaaga oo dhan laakiin waxay ku dhibtoodeen inay helaan qaab ay ku maal-geliyaan heshiiska.

Sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, Blaugrana haatan ma aaminsana in Paris Saint-Germain ay ku talo jirto inay ka iibiso 27 jirka, waxaana ay aqbaleen in Real Madrid ay haatan safka hore kaga jirtay.

Tababaraha PSG Thomas Tuchel ayaa xaqiijiyay jimcihii in Neymar uu si buuxda tababar ula qaatay kooxda inteeda kale toddobaadkan, waxaana laga yaabaa inuu safka kusoo laabto kulanka Toulouse.

Ciyaaryahankii hore ee Barcelona ayaa ugu dambeysay ciyaar kulan saaxibtinimo oo xulkiisa ay la ciyaareen Qatar bishii June taa oo lagu arkay isaga oo ka dhaawacan cagta sababna u noqotay in laga saaro Copa America.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan