Home / Cayaaro / Barcelona oo ka rajo dhigtay saxiixa Pierre-Emerick Aubameyang

Barcelona oo ka rajo dhigtay saxiixa Pierre-Emerick Aubameyang

Himilo – Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay muujineyso dadaal ay ku heysanayso cayaaryahanka Pierre-Emerick Aubameyang oo ay dooneyso in uu sii joogo garoonka Emirates Stadium.

30 jirka ayaa si weyn loola xiriiriyay u dhaqaaqista kooxda Barcelona kaddib markii la shaaciyay in Luis Suarez uu dhaawac ku maqnaan doono muddo afar billood ah.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, kooxda ka cayaarta horyaalka La Liga ayaa lagu soo waramayaa inay ka rajo dhigtay laacibka reer Gabon.

Tababaraha cusub ee kooxda Barcelona Quique Setien ayaa la soo warinayaa in uu go’aansaday saxiixa weeraryahanka Valencia Rodrigo maalmaha soo socda.

Dhowr jeer oo hore, Arsenal ayaa sheegtay in gooldhaliyahooda ugu sarreeya uusan iib aheyn iyada oo Aubameyang uu xusay in uu sii joogayo kooxda.

Cayaaryahanka reer Gabon ayaa dhaliyay 16 gool dhammaan tartamada oo dhan xilli cayaareedkan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan