Xiddiga Kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa sedex isbuuc ka maqnaan doona kulama kooxda ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray ciyaartii xalay ay la yeesheen Naadiga Atletico Madrid.
Markii uu dhaawcamay laacibkan waxaa u suurta gali wayday inuu ciyaarta sii wato, waxaana dhaawiciisa ka xumaaday taageerayaasha iyo ciyaaryahanada kooxda.
Messi waxa uu dhaawacmay bilowgii hore ee ciyaarta waxaana la arkayay isagoo qabsanaya lugta Midig garoonkana laga saaray.
Ciyaaryahanka Diego Godin ayay Kubad isukala dhageen, halkaa waxaa ku waxyeeloobay laacibkan u dhashay Argentine .
Majaladaha ka faalooda cayaaraha ayaa waxa ay sheegayaan in dhaawaca laacibkan laga cabsi qabo inuu dhibaato weyn u geysto xiddigan magaca dheer.
Kulankii Xalay dhex maray Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa waxa uu ku dhamaaday is bar bar dhac 1-1 inkastoo labada koox ay dadaal sameeyeen.
Waxaa kale oo la sheegayaa in Messi uu ka mqnaan doono kulamo ka kala dhacaya dhawr garoon oo kooxdiisa ay kula balansan tahay kooxo kale.
“Maqnaanshaha Messi waxa ay la micno tahay in kubadda cagta dhadhan lahayn, markuu Messi nala joogo waan xooggannahay, balse waan sii wadeynaa dadaalka” Sidaa waxaa yiri Tababaraha Kooxda Luis Enrique oo wariyaasha la hadlay cayaarta ka dib.
Si walba oo ay ahaato Messi kulamada xiisaha badan ee uu ka maqnaan doono waxa ka mid ah:- Borussia Monchengladbach oo ay isku dhici doonaan kulan ka tirsan Champions League.
Sporting Gijon and Celta Vigo oo iyana is qaban doonaan Barca kulamo ka tirsan Horyaalka Dalka Spain.
Hase ahaatee waxa la saadaaliyay kulan ay suurtagalka tahay kooxdiisa inuu dib uga soo muuqdo oo ah kulanka Manchester City ay ku qaabili doonaan Camp Nou dhamaadka bisha soo socota ee October.