Home / Cayaaro / Barcelona oo lala xiriirinayo Olivier Giroud

Barcelona oo lala xiriirinayo Olivier Giroud

Himilo FM – Barcelona ayaa miisaameysa inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Chelsea Olivier Giroud kaasi oo qandaraaskiisa uu dhacayo xagaagan, sida ay qortay Diario Sport.

Giroud ayaa ku biiray Chelsea bishii Janaayo 2018 laakiin wuxuu keliya ku soo billowday 12 kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay afar gool.

32 jirkan ayaa badanaa ku dhibtooday in uu booska koowaad ka helo kooxda Blues,waxa uuna mararka qaar ka danbeeya laacibka kubad sameeyaha ah ee Eden Hazard,

Giroud oo France ka caawiyay koobkii adduunka ee xagaagii hore ayaa hadda kamid ah dooqyada laga yaabo inay ka hayaamaan galbeedka London.

Sport ayaa sheegeysa in Cristian Stuani oo katirsan Girona uu yahay  bartilmaameedka Barca laakiin haddii uu hoos u dhaco wadaxaajoodka qandaraaskiisa oo lagu qiyaasay 15 Milyan oo Euro, inay markaas u badan tahay inay raadiyaan weeraryahanka reer France.

About Mahad Mohamed

One comment

  1. who makes viagra pills Purpose The purpose of this study was to determine the outcome of children with nephroblastoma and pulmonary metastases PM treated according to International Society of Pediatric Oncology SIOP 93 01 recommendations using pulmonary radiotherapy RT in selected patients

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan