Home / Cayaaro / Barcelona oo Real Madrid kaga horreysa saxiixa da’yar reer Spain ah

Barcelona oo Real Madrid kaga horreysa saxiixa da’yar reer Spain ah

Himilo – Barcelona ayaa kaga horreysa Real Madrid tartanka loogu jiro saxiixa da’yarka Rayo Vallecano Fabian Luzzi sida ay tilmaamayaan warbixinno.

16 jirka ayaan wali u safan kooxda koowaad ee Vallecano laakiin waa uu la tababartay intii lagu guda jiray xilli cayaareedka 2019-20 kaddib bandhig wanaagsan oo uu sameeyay.

Real Madrid ayaa loo badinayay saxiixa da’yarka kahor ol-olahan laakiin sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, Luzzi ayaa doortay Barcelona halkii uu ku biiri lahaa kooxda tababare Zinedine Zidane.

Luzzi oo sidoo kale soo jiitay Atletico Madrid ayaa caddeeyay in uu iska diidayo heshiis kasta oo uga yimaada garoonka Bernabeu.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan