Home / Habka-Nolosha / Barcelona oo Real Madrid ugu hambalyeysay guushii tartanka UCL.

Barcelona oo Real Madrid ugu hambalyeysay guushii tartanka UCL.

Muqdisho – Barcelona ayaa kooxda ay ku loolamaan horyaalka La Liga Spain ee Real Madrid ugu hambalyeysay guusha taariikhiga ah oo ay kasoo hoysay tartanka Champion League.

Majirto koox laba jeer oo is xigta ku guuleystay tartanka UCL, hayeeshe waxay is badashay xalay markii Real Madrid ay 4-1 ku dhifatay kooxda Marwada Duqda lagu naaneyso ee Juventus.

Christiano Ronaldo ayaa ahaa geesiga garoonka isaga oo laba kamid ah goolashii guusha dhaliyay, wuxuuna u dhow yahay inuu markii shanaad sida Messi ku guuleysto abaal-marinta Ballons d’Or.

Barcelona ayaana dhanbaal hambalyo ah waxay Madrid usoo dhigtay baraha bulshada.

Barta Twitter-ka Barcelona ayaa lagu qoray: “Hambalyo Real Madrid ku guuleysiga tartanka lagu soo gunaanaday Cardiff.”

Madrid hadda waxay wajihi doontaa Manchester United si ay ula ciyaarto koobka UEFA Super Cup kahor intaysan koobka Supercopa la ciyaarin Barcelona bisha August.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan