Home / Habka-Nolosha / Barcelona oo sare u dhigtay xiisaha ay u heyso saxiixa Matthijs de Ligt deal

Barcelona oo sare u dhigtay xiisaha ay u heyso saxiixa Matthijs de Ligt deal

Muqdisho – Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay sare u qaadday xiisaheeda daafaca dambeedka dhexe ee Ajax, Matthijs de Bentle.

18 jirkan ayaa xilli ciyaareedkii hore lagu soo daray kooxda koobaad ee Ajax, iyadoo kooxda reer Holland ay gaartay finalka Europa League sanadkaas.

Bishii lasoo dhaafay, waxaa lagu soo waramayey in Barcelona ay xiiseyneysay ciyaaryahankan heerka caalami ee Netherlands, sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, go’aanka ah in la sii wado doonista da’yarkan xagaaga soo aadan ayaa waxaa ay ka go’antahay naadiga ka dhisan Camp Nou.

De Ligt ayaa kasoo baxay akadeemiga Ajax ka dib markii uu kooxda ku soo biiray isagoo jira da’da sagaal sano wuxuuna u saftay 15 kulan kooxda reer Dutch tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii 2017-18.

Barcelona ayaa lagu soo warramayaa in ay u aragto hana-qaadkan badalka waqtiga dheer ee Gerard Pique.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan