Home / Habka-Nolosha / Barcelona oo soo dhaweyn doonta kooxda PSG

Barcelona oo soo dhaweyn doonta kooxda PSG

Muqdisho – Barcelona ayaa soo dhaweyneysa Paris Saint Germain iyada oo leh rajo aan sidaas u cago badneyn.

Barcelona  waxaa ay ku dhowdahay heer quusasho ah maadaama 4-0 looga soo badiyay markii ay booqdeen guriga Paris.

Taariikhda maysan dhicin in koox heerkaan la gaarsiiyay inay soo kabato isla markaana wareega danbe u gudubto waana wax haddii ay caawa sameyso Barcelona  ku cusub adduunka.

Xaqiiqooyinka Kulanka:

Marka kaliya oo ay PSG ka reebtay dhiggeeda Barcelona tartanka Champions League waxay ahayd 1994/95 wareegga afar dhamaadka 3-2 isku cel-celis. Tan iyo markaas, Barcelona ayaa guuleysatay laba jeer oo ay isku arkeen Paris wareegyada bug-baxda. 2012/13; 2014/15.

Barcelona waxay ku lumisay lugtii hore 4-0, waana guuldarradii ugu cusleyd oo kasoo gaarta tartanka UCL dhawaanahaan, markii ugu xumeyd kahor dhacdadaan waxay sidaan oo kale xasuuq kala kulantay Bayern Munich oo lugtii dambe ee Camp Nou 3-0 ku dhufatay mar kale.

Barcelona sagaalkii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay wareegga 16-ka way dhaafeysay, waana rikoorkoodii ugu dheeraa ee tartanka. Markii ugu dambeysay oo ay ku fashilmaan inay wareegaan usoo gudbaan waxey aheyd 2006/07.

PSG sidoo kale afartii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay waxay dhaafeysay 16-ka, balse afar-dhamaadka ayaa lagu soo reebayay kooxda ka dhisan Faransiiska.

Edinson Cavani ayaa toddobo gool ka dhaliyay Champions League waana markiisii ugu fiicnaa ee tartanka.

Barcelona ayaa guuleysatay 14-kii kulan ee ugu dambaysay ee Champions League ay ku ciyaarto garoonkeeda Camp Nou; 44 gool ayay dhalisay; 6 gooln waa laga dhaliyay.

Kaliya Bayern ayaa ka badan oo gurigeeda ku badisay 16 kulan oo xiriir ah Champions League.

Kulanka: Barcelona vs Paris Saint Germain

Tartanka: Champions League.

Garoonka: Camp Nou.

Garsoore: Deniz Aytekin (Germany).

Saacadda: 10:45 Habeennimo.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan