Home / Habka-Nolosha / Barcelona oo u dhaqaaqaysa kubbad-sameeye Mesut Ozil.

Barcelona oo u dhaqaaqaysa kubbad-sameeye Mesut Ozil.

Muqdisho – Ciyaaryahanka qadka dhexe ee Arsenal, Mesut Ozil ayay wararku sheegayaan in uu si degdeg ah diiradda ugu fuulay Barcelona si ay ula wareegaan.

Sida la warinayay, kooxda Catalan waxaa diiradda u saarnaa xiddiga qadka dhexe ee Liverpool, Philippe Coutinho iyaga oo eegayay maan-galnimada ay badal kaga dhigi karaan laacibka gadoodsan oo ay isku wadanka yihiin ee Neymar kaas oo lacag rikoor ah ay ku doonayso kooxda reer France ee Paris Saint-Germain.

Si kastaba, kooxda ka dhisan gobolka Merseyside ayaa ku adkaysanaysa in kubbad-sameeyeheeda uusan bixi dooni xagaagan, Barcelona ayaa samaysay weecasho dhanka Arsenal ah iyada oo doonaysa bidixlaha reer Jarmal ee Mesut Ozil.

Sida ay warinayso Don Balon, Ozil wuxuu diiradda u saaran yahay hoggaamiyaha dhawaan-galka ah ee Ernesto Valverde – Barcelona ayaana ku soo qaadan karta adduun lacageed gaaraya £53 Milyan.

Hal sano oo kaliya ayaa kaga harsan heshiiska uu Ozil ku joogo Emirates Stadium, wuxuuna horay u sheegay in uu ku faraxsan yahay nolosha magaalada London, xiddigii hore ee Real Madrid ayaa wali saxiixin heshiis kale oo kusii celinaya Arsenal.

28-jirkan ayaa helay dhaleecayn qeybo kamid ah xagaagii dhamaaday, laakiin kubbad-sameeyahan ayaa dhaliyay siddeed gool isla markaana caawiyay  sagaal kale 33 kulan uu saftay Premier League.

Qore: Abdiaziz Aadan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan