Home / Cayaaro / Barcelona oo wadahadalo horumar leh la billowday Valencia

Barcelona oo wadahadalo horumar leh la billowday Valencia

Himilo FM –Barcelona ayaa wadahadalo horumar leh la billowday Valencia si ay kaga  iibsato Rodrigo Moreno.

Kooxda heysata horyaalka Spain ayaa la rumeysan yahay inay raadineyso weeraryahan cusub si ay ugu beddelaan Luis Suarez.

Sida ay qortay jariirada Diario Sport, Ernesto Valverde kooxdiisa ayaa ku dhaw saxiixa Rodrigo, kaasoo lagu burburin karo 106 Milyan ginni oo qandaraaskiisa Mestalla .

28 jirkan ayaa dhaliyay 15 gool, waxaana uu caawiyay 10 gool 51 kulan oo uu u saftay Los Che xilli ciyaareedkii 2018-19.

Xiddiga 17-ka jeer matalay xulka Spain, Rodrigo ayaa xirfadiisa ciyaareed ka soo bilaabay Real Madrid, laakiin uma uusan ciyaarin kooxda koowaad ee Los Blancos ka hor inta uusan ku biirin Benfica 2010.

Weeraryahankan ayaa sidoo kale u soo dheelay kooxda Premier League ee Bolton Wanderers xilli ciyaareedkii 2010-11.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan