Home / Deegaan / Barkad lagu dabaasho tan ugu gunta dheer caalamka oo la furayo

Barkad lagu dabaasho tan ugu gunta dheer caalamka oo la furayo

Himilo FM –Barkadda ugu gunta dheer caalamka ayaa la filayaa in laga furo dalka Poland sida laga soo xigtay warbaahinta dalkaasi.

Gunta hoose ee barkada Deepspot ayaa gaaraysa 45 Mitir, waxaana loo diyaariyay xirfadlayaasha dabaasha iyo kuwa billowga ah.

Waxay qaadaa barkadan oo lagu shubi karaa 8,000 Cubic Metres oo biyo ah, waxay u dhigantaa barkadaha cayaaraha Olymbikada.

Deepspot waxay rikoorka barkadda ugu gunta dheer caalamka kala wareegaysa barkadda Deep Joy oo ku taalla Montegrotto Terme oo katirsan Talyaaniga taasi oo gunteeda hoose tahay 42 Mitir.

Waxay ku taalla barkadda magaalo 40km dhinaca koonfur galbeed ka xigta caasimadda Poland ee Warsaw iyadoo la wado dhismaheeda.

Si kasta, barkadda Deepspot waxay heysan doontaa rikoorka midda ugu gunta dheer caalamka muddo lix billood ah oo ah inta laga furayo barkadda Blue Abyss oo gunteeda hoose tahay 50 mitir islamarkaana hadda laga wado dhismaheeda Colchester oo katirsan Ingiriiska.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan