Home / Macluumaad / Baro 10 Ruux Oo iyagoo Da’ yar Noqday Madaxweynayaal.

Baro 10 Ruux Oo iyagoo Da’ yar Noqday Madaxweynayaal.

1-Jean-Claude Duvalier: wuxuu noqday Madaxweynaha Haiti isagoo 19hir ah, waxa uuna xukunka hayay intii u dhaxeysay 1971-1986.

  1. Valentine Strasser: Waxa uu madaxweyne ka soo noqday jamhuuriyadda Sierra Leone, 25 jir ayuu madaxweyne wadankaas uga noqday isagoo xilka hayay Seddex sano iyo bar ka hor inta aan laga tuurin talada.

3-Michelle Kmbero: Waxa uu Hogaamiye ka noqday dalka Burundi isagoo 16 jir ah sanadii 1966 markii dalkaa oo boqortooyo ahaa isku rogay nidaam Jamhuuriya.

4-Kim John Uun: Waa madaxweynaha go’aanka adag ee waqooyi kuuriya, 2011 ayuu madaxweyne noqday isagoo da’ ahaan jira28 sano.

5-Samuel Doe: Waa madaxweynihii jamhuuradda Liberia intii u dhaxeysay sanadihii 1980-1990 kadib markii uu xilka kula wareegay isagoo 28 jir ah afgambi milatari.

6-Yahya Jammeh: Waxa uu xukumayaa Dalka Gambia muddo 20 sano ah, 29 jir isagoo ah ayuu la wareegay talada Gambia sanadkii 1996, waa madaxweynaha Gambia u bedelay jamhuuriyad islaamiya.

7-Roque Gonzalez neighbor: 29 jir isagoo ah ayuu qabsaday xukunka Mexico, waxa uuna dhashay 1885, Shan bilood kaliya ayuuna ahaa Madaxweyne.

8-Gnassingbe Idema: Waxa uu ahaa Madaxweynaha jamhuuriyadda Togolese isagoo madaxweyne noqday 1967 xilli uu da’ ahaan jiray 29 sano, waxa uu talada dalkaasi hayay ilaa uu ka geeriyooday 2005, sanadkii 1974 ayuuna ka bedbaaday shil diyaaradeed.

9-Joseph Kabila: Waa hogaamiyaha iminka ee dalka Congo, 29 jir ayuu xilka ku qabtay sanadii 2001 Toban maalmood ka dib markii aabihii lagu dilay shirqool.

10-Theodore Roosevelt: Waa madaxweynihii mareykanka ee sanadihii 1901- 1909, xilligii uu qabanayay xukunka waxa ay da’diisu aheyd 26 sano.

 

W/T: Ismail Mohamed Samatar.

Email: Zeema200@gmail.com

Xigasho: alquds.com

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan