Home / Cayaaro / Bartilmaameedkii Man Utd oo baaqi ku sii ahaanaya Borussia Dortmund

Bartilmaameedkii Man Utd oo baaqi ku sii ahaanaya Borussia Dortmund

Himilo FM – Xiddiga garabka uga ciyaara Borussia Dortmund ee Jadon Sancho ayaa lagu soo waramayaa inuu beeniyay suurtagalnimada ah inuu dib ugu soo laabanayo Premier League xagaagan.

Sancho ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Westfalenstadion tan iyo markii uu kaga soo biiray Manchester City 2017 isagoo dhaliyay 13 gool 53 kulan oo uu kasoo muuqday  tartamada oo dhan.

Manchester United ayaa ka mid ah kooxo dhowr ah oo isha ku haya horumarka Sancho tan iyo billowgii xilli ciyaareedkan.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay The Sun, Sancho ayaa go’aansatay inuu sii joogo Dortmund ugu yaraan xilli ciyaareed kale halka mas’uuliyiinta kooxda ay diyaar u yihiin inay diidaan xiisaha ay u qabto saxiixa da ‘yarkan.

Sancho ayaa weli heysta seddex sanno oo qandaraaskiisa uu kula jiro kooxda ka dhisan Bundesliga.

About Mahad Mohamed

2 comments

  1. If CDAD is suspected or confirmed, ongoing antibiotic use not directed against C what is priligy tablets Halotestin results strength gains you deserve

  2. hallucinations seeing or hearing things that are not real fainting seizures coma Lung problems cheapest cialis online This increases the volume of fluid in the body, which also increases blood pressure

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan