Home / Cayaaro / Bartilmaameedka Arsenal ee Praet oo diyaar u ah ka tegista Sampdoria

Bartilmaameedka Arsenal ee Praet oo diyaar u ah ka tegista Sampdoria

Himilo FM –Bartilmaameedka Arsenal ee Dennis Praet ayaa diyaar u ah in uu ka tego kooxda Sampdoria isaga oo doonaya in uu ku biiro koox weyn, sida ay wargesyadu werinayaan.

Gunners ayaa lagu soo waramayaa inay ku guuldarreysteen £43million oo ay ku dalbadeen Praet iyo saaxibkiisa koox wadaagga yihiin ee Joachim Anderson.

Khadka dhexe Belgian-ka ee Praet oo 25 jir ah ayaa daaha ka roggay in uu u furan yahay koox cusub kuna riixayo naadigiisa in uu ka tego.

Wakiilka xiddigan Martin Riha, mar wax laga weydiiyey haddii ay Arsenal xiriir la sammeysay xiddiga ayaa yiri “Anniga waxba kuma dari kato hadda, waxaan u maleynayaa in aad fahmi karto.”

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan