Home / Cayaaro / Bartilmaameedkii United Steven Bergwijn oo saxiixay heshiis cusub

Bartilmaameedkii United Steven Bergwijn oo saxiixay heshiis cusub

Himilo –Xiddiga garabka ka ciyaara Steven Bergwijn ayaa qalinka ugu duugay kooxda PSV Eindhoven heshiis wakhti dheer ah, isagoo soo afjaraya wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan inuu u wareegayo koox ka ciyaarta Premier League.

Isagoo ku riyaaqay olole adag kooxda reer Holland xilli ciyaareedkii hore, Bergwijn waxaa lala xiriiriyay Manchester United, Tottenham Hotspur iyo Liverpool.

Si kastaba ha ahaatee, ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Netherlands ayaa haatan heshiis afar sanno ah qalinka ugu duugay kooxda ka dhisan Eredivisie.

21 jirkan ayaa u sheegay bogga rasmiga ah ee kooxda: “Saxiixida heshiis cusub waxay ii ahayd xulasho muhiim ah, waxaan dareemayaa inaan qaatay go’aanka saxda ah.”

“Waxaan raadarka u saarnaa kooxo badan, laakiin waxaan ogaaday in waxkasta ay hagaagi karaan, aniga iyo PSV labadaba, waxaan go’aansaday inaan mustaqbalkeyga u hibeeyo kooxda.”

Bergwijn ayaa dhaliyay 25 gool 114 kulan oo uu u saftay PSV tartamada oo dhan tan iyo markii uu kasoo baxay kooxda dhalinteeda.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan