Home / Habka-Nolosha / Bartra: “Mid kamid ah xilliyada ugu fiican xirfaddayda kubadda cagta.”

Bartra: “Mid kamid ah xilliyada ugu fiican xirfaddayda kubadda cagta.”

Muqdisho – Marc Bartra ayaa sameeyey soo laabasho qiiraysan oo kubadda cagta ah maalintii Sabtida kadib markii uu kasoo muuqday xulka hore  Borussia Dortmund u dheelay kulan ciyaareedkii ugu danbeeyey xagaagan.

Laacibka Spain u dhashay oo qadka dhexe kaga ciyaaraya naadiga ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay baska Dortmund, mar ay safar ugu jireen la kulanka kooxda Faransiiska ka dhisan ee Monaco – ciyaar katirsaneyd Champion League.

Bartra wuxuu ahaa laacibka kaliya oo dhaawac jirka ah uu soo gaaray isaga oo jab kasoo gaaray is-galka kala goysyada hoose ee jilbaha u baahday qalliin lagu sameeyo.

Wuxuu kusoo bogsaday waqti loo baahnaa taas oo ka saaciday inuu 90-ka daqiiqo ee kulankii Werder Bremen ciyaaro. Wiilasha Thomas Tuchel ayaa 4-3 oo ay ku sul-daareen awgeed ku dhameystay xagaagan booska saddexaad ee kala horraynta horyaalka Jarmalka.

Kadib kusoo noqoshadiisa ciyaaraha, 26-jirkan ayaa waayay ereyo uu ku micneeyo qiirada farxadda heysat inta ay la’eg tahay.

“Waa mid kamid ah waqtiyadii iigu fiicnaa noloshayda kubadda cagta,” ayuu yiri. “Waxaan ku silcay in badan dhadhaminta waaya’aragnimo qaraar.”

“Ciyaartan kaliya maysan ii aheyn saddex dhibcood oo aan helnay, waxay ku saabsaneyd dib ugu soo noqoshadayda garoomada. Waana midda aan jeclahay.”

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan