Home / Habka-Nolosha / Batshuayi oo u wareegaya Dortmund.

Batshuayi oo u wareegaya Dortmund.

Muqdisho – Weeraryahanka kooxda Chelsea Michy Batshuayi ayaa ku biiraya Borussia Dortmund iyadoo Pierre-Emerick Aubameyang uu isku diyaarinayo inuu u dhaqaaqo Arsenal, sida laga soo xigtay Bild.

Arsenal ayaa heshiis 55 milyan oo Ginni ah la gaartay Dortmund si ay ula soo saxiixato Aubameyang, xiddiga reer Gabon ayaa dhameystiri kara heshiiska uu ugu biirayo Emirates Stadium Isniinta.

Dortmund ayaana raadineysa bedelkiIsa, kaddib markii xiddiga Arsenal ee Olivier Giroud uu go’aansaday inuu baaqi ku sii ahaado England, kooxda Bundesliga ayaa u rogtay Batshuayi.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Belgium Batshuayi ayaa qiray inuu mustaqbalkiisa gacanta ku hayo macalinka Chelsea Antonio Conte, laakiin waxa uu u muuqdaa inuu u wareegayo Dortmund kaddib inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan