Home / Arrimaha Bulshada / Baxnaano lix bilood qaadatay oo badbaadisay!

Baxnaano lix bilood qaadatay oo badbaadisay!

Muqdisho – Isbitaalka ayaa laga soo saaray Ilmo dhashay oo la rumeysan yahay inuu yahay kii ugu miisaanka yaraa dunida oo dhimasho uga badbaaday si mucjiso leh.

Ilmahaan yar lix bilood ayuu ku jiray isbitaaka, waxayna dhaqaatiirtu ku qiyaaseen ka hor badbaadadiisa geeri.

Wargeyska “Independent” ee Britan ayaa Axaddii sheegay, in dhallaankaan lagu magacaabo “Manoshi”, looga soo saaray hooyadii qalliin ka hor 12 toddobaad dhalmadii dabiicigga.

Hooyada oo asal ahaan ka soo jeedda Hindiya ayaa gabadheeda ku sheegtay Mucjiso, sawirada laga soo qaaday gabadheedane waxay muujineyeen in uusan shaqeyneyn wareegga dhiigga.

Ilmahaan yar ayaa dunida ku soo biiray isagoo miisaankiisu yahay 400gm, awoodi weysanne neefsashada.

Taqaatiirta dhaliyay Monoshi ayaa qalabka neefta kula deg-degay durbaba markii ay timid dunida, waxay sidoo kale ku caawiyeen quudin iyo dhiig-shubid.

Fursadaha ay ku noolaan kartay gabadhaan yari waxa lagu sheegay 5% billawgii nolosheeda, waxaana taas sii xoojiyay markii gabadhani lumisay miisaankeeda dhalashadeeda kaddib.

Balse hooyada ayaa geba-gebadii tiri “gabadheydu waa Mucjiso, sababtoo ah waxay gashay nolol tan ugu adag, lix bilood kaddib miisaankeedu waxa uu noqday 5.2kgm, waxay awooday in dib loogu celiyo hoygeeda markii xaaladeedu ku soo laabatay dabiici”.

Isha: Alquds

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan