Home / Cayaaro / Bayer Leverkusen oo wakhti kama danbeys ah u qabatay heshiis Havertz

Bayer Leverkusen oo wakhti kama danbeys ah u qabatay heshiis Havertz

Himilo – Bayer Leverkusen ayaa u sheegtay Chelsea in ay la timaado heshiis ku saabsan Kai Havertz ugu danbeyn 28-ka bishan August.

Wararka ayaa sheegaya in lagu heshiin laa’yahay qiimaha lacageed ee cayaaryahanka oo dhaliyay islamarkaana caawiyay 38 gool labadii xilli cayaareed ee Bundesliga.

Mustaqbalka 21 jirka ayaa waxaa ka soo baxaya warar kala duwan iyada oo ay xiiseynayaan kooxo badan oo doonaya laacibka kahor ol-olaha 2020-21.

Lixidii billood ee ugu danbeysay, Chelsea ayaa si weyn loola xiriiriyay laacibka reer Jarmal kaasi oo la tilmaamay in uu ka tagayo Leverkusen inta lagu guda jiro suuq furanka xagaaga.

Si kasta, kooxda Bundesliga ayaa la rumeysan yahay inay iibineyso xiddigeeda, taasina waxay ku xeran tahay nuuca dalabaadka loo soo gudbiyo.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan