Kooxaha Kubadda Cagta ee AC Milan oo ka dhisan Dalka Talyaaniga iyo Bayern Munich oo ka dhisan Waddanka Germany ayaa xalay u gudbay 4 dhamaadka Koobka Kooxaha Qaaradda Europe ee Uefa Champions League.
Labada Koox waxaa ay tartanka ka kala dheereen PSG oo ay reebtay Bayern ciyaal cel celis ku dhamaatay 3-0 iyo AC Milan oo reebtay Tottenhan oo celcelis ku dhamaatay 1-0.
Tababaraha Tottenhan Antonio Conte ayaa waxaa heysata rikoor xumo tartankan la xiriirta isaga oo waligii aan gaarin afar dhamaadka tartanka UEFA Champions League.
Sidoo kale Kooxda PSG ayaa lix xilli Ciyaareed afar ka mid ah ku hareysa wareegga 16ka ee tartanka Uefa iyada oo waliba ay u dheelayaan Xiddigaha Messi, Mpape iyo Neymar.
habeen hore waxaa soo gudbay Kooxaha Banfica iyo Chelsea,waxaana sidaas hadda ku joogta wareegga afar dhamaadka afar Kooxood halka todobaadka dambe la sugayo afar kale.