Home / Habka-Nolosha / Bayern Munich oo carriga Jarmal-ka kusoo dhawayn doonta kooxda Real Madrid

Bayern Munich oo carriga Jarmal-ka kusoo dhawayn doonta kooxda Real Madrid

Muqdisho – Kooxda hogaanka u haysa Horyaalka Wadanka  Jarmal-ka  ee Bayern Munich ayaa gurigeeda kusoo dhaweyneysa kooxada iyana hogaanka u haysa horyaalka Spain ee Real Madrid kulan ka tirsan koobka Horyaalada Yurub markaas oo kooxda ka dhisan Allianz Arena ay dooneyso iney ka aargudato Los Blancos oo markii ugu dambeysay ku adkaatay Munich kulankaas oo ku soo damaaday 4-0.

Waxyaabaha ka cusub labada koox.

Waxaa tababarka kusoo laabtay isniintii Manuel Neuer kaas oo qalliin lagu sameeyay dhawaan, Neuer ayaa la filayaa inuu goolka kasoo muuqdo kulanka caawa.

Bayer waxaa ka maqan Mats Hummels oo Axadii uu dhaawac soo gaaray

Carvajal ayaa si kalinimo ah isniintii tababarka u qaatay, waxuuna diyaar u noqon karaa  kulanka caawa .

Nacho ayaa difaaca dhexe la ciyaari kara  Sergio Ramos,  maadama Pepe iyo Varane ay dhaawacyo ku maqan yihiin.

Xaqiiqada kulanka:

Kulankaan waa midkii 23-aad ee dhexmara labadaan kooxood taariikhda tartankaan European Cup/Champions League, waana midkii 17-aad ee dhexmara waayaha Champions League oo qura, waana rikoor u yaala tartanka.

Bayern Munich ayaa gaartay Quarter finalka tartanka lix jeer oo xiriri ah, shantii hore oo ay yimaadeen si toos ah ayey ugu gudbeen Semi Finalka.

Robert Lewandowski ayaa gool dhaliyay sadex kulan oo Champions League ah, waligiis Afar kulan oo xiriir ah gool ma dhalin.

Real Madrid ayaa lumisay 9-jeer, 11-jeer oo ay Bayern ku booqatay gurigeeda tartamada yurub, 1-barbaro iyo 1-guul ayeyna kasoo qaadatay, balse guusha qura oo ay gaareen waa kulankii ugu dambeeyay, waana guuldaradii ugu xumeyd ee Bavarians-ka soo gaartay taas oo aheyd  (4-0).

Bayern Munich ayaa badisay 16 kulan ee ugu danbeysay ee Champions League ay ku ciyaartay gurigeeda (58 gool ayay  dhaliyay, 9 ayaana  laga dhaliyay), waana rikoorkii ugu dheeraa.

Kooxdii ugu danbeysay ee ku garaacda  garoonkeeda Allianz Arena waxay ahayd Real Madrid, oo April 2014 kaga soo gudubtay (0-4).

10-kii kulan ee ugu dambaysay oo ay kooxda Bayer ciyaarto tartankaan marnaba ma aysan galin bar bar dhac 7 mar ayay badisay 3marna waa laga badiyay ,barbar dhicii ugu dambeeyay ee  ay gasho ayaa ahaa kulan ay la ciyaartay kooxada  Benfica April  2016 kaas oo ku dhamaaday (2-2).

Wax kabadn 2.5 goolal ah ayay dhalinaysay Real Madrid  mid kasta oo ka mid ah  siddeeddeedi kalan ee ugu dambaysay (UEFA Champions League).

Bayer ayaa guulaysatay  5 kamid ah 6deedii kulan ee ugu dambaysay (UEFA Champions League).

Bayern Munich ayaa dhalisay  24 goals xagaaygaan  Champions League, waxaana ku jira  10 gool oo ay ka dhalisay kooxda Arsenal si kastaba ha ahaatee, hal mar oo kaliya ayay shabaqa ilaashteen  toddobadoodii kulan ee ugu dambaysay.

Kulanka: Bayern Munich vs Real Madrid

Tartanka: Champions League, (Quarter Final)

aroonka: Allianz Arena

Saacadda: 9:45 Habeenimo (XGA)

Garsoore: Nicola Rizzoli (Italy)

Abdi Aziz Adan Urur

Cabdicaziiz149@gmail.com

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan