Home / Caafimaad / Bayern Munich oo dalab u gudbisay baxsadka Real Madrid ee Bale

Bayern Munich oo dalab u gudbisay baxsadka Real Madrid ee Bale

Himilo FM – Safarka Madrid illaa Munich, Gareth Bale ayaa geli doona isbeddel cusub.

Waa dooqyada ka dhaqaaqi doona kooxda Real Madrid, kooxda ku guuleysatay horyaalka Bundesliga ee Bayern Munich ayaa isha ku heysa xiddiga qaranka Wales.

Laacibka Los blancos ayaa safka hore ugu jira kuwa ugu dhaw ee magaalada Madrid ka dhaqaaqi doona, sida ay warinayso The Sun, naadiga Bayern Munich ayaa diyaar u ah in Gareth Bale ay kasoo qaadato kooxda Real Madrid.

Goor sii horreysay Real Madrid ayaa lasoo saxiixatay dhowr xiddig sida Eden Hazard, Luka Jovic, Ferland Mendy, Eder Militao iyo Rodrygo Goes.

Kooxda ayaana isha ku heysa inay iibiyaan si Zinedine Zidane uu u sii amba qaado dib u hagaajinta kooxda caasimadda.

Kooxda Niko Kovac ee Bayern ayaa u baahan inay xoojiso qeybaha weerarka maadaama Franck Ribery iyo Arjen Robben ay kooxda ka tageen, naadiga reer German ayaa diyaarineysa qorshe ay si ammaah ah kusoo qaadanayaan Bale.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan