Home / Cayaaro / Bayern Munich oo dalabkeedii ugu dambeeyay ka gudbinaysa Leroy Sane

Bayern Munich oo dalabkeedii ugu dambeeyay ka gudbinaysa Leroy Sane

Himilo –Bayern Munich ayaa weli xiiseyneyso inay la soo saxiixato weeraryahanka Manchester City Leroy Sane inkastoo xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka uu dhaawac halis ah qabo.

Sane ayaa si xooggan loola xiriirinayay inuu u wareegayo Allianz Arena ka hor inta uusan dhaawac halis ah jilibka ka soo gaarin kulankii Community Shield ee ay la ciyaareen Chelsea horraantii bishii August.

23 jirka ayaa wixii markaas ka dambeeyay qaliin lagu sameeyay si loo saxo dhibaatada, laakiin warbixin dhawaan soo baxday ayaa sheegtay in weeraryahanku uu rajeynayay inuu garoomada ku soo laabto ka hor dhammaadka xilli ciyaareedka.

Sida laga soo xigtay The Mirror, Bayern ayaa weli xiiseyneysa inay heshiis la gaarto Sane ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga Yurub Isniinta, iyadoo kooxda heysata horyaalka Bundesliga ay qorsheyn doonto hal dalab oo kama dambeys ah.

Xiddiga reer Jarmal ayaa galay labadii sanno ee ugu dambeysay qandaraaskiisa kooxda Pep Guardiola, waxaana la fahamsan yahay inuusan haatan diyaar u aheyn inuu u kordhiyo.

Sane ayaa dhaliyay 39 gool  wuxuuna diiwaan galiyay 45 caawinaad 134 kulan oo uu u saftay Citizens tartamada oo dhan tan iyo markii uu uga yimid Schalke 04 bishii August 2016.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan