Home / Cayaaro / Bayern Munich oo damaceedu yahay in Pochettino leyliyo bisha Janaayo

Bayern Munich oo damaceedu yahay in Pochettino leyliyo bisha Janaayo

Himilo- Bayern Munich ayaa u magacaabi doonto Mauricio Pochettino inuu noqdo macalinka rasmiga ah ee kooxda inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

ninka reer Argentine, oo shan sano ku qaatay Tottenham Hotspur, ayaa laga ceyriyay kooxda ka dhisan waqooyiga London Arbacadii ka dib qaab xun oo uu ku bilowday xilli ciyaareedkan 2019-20.

Waxaa la shaaciyey markiiba Jose Mourinho uu noqday macalinka cusub ee Spurs, iyadoo tababaraha reer Portugal uu qaatay tababarkiisii ugu horeysay galabnimadii Arbacada.

Sida laga soo xigtay AS, shaqada laga ceyriyay Pochettino ayaa dhalisay xiisaha Bayern, oo u aragta maamulaha inuu yahay bartilmaameedka ugu sareeya.

Kooxda Bayern ayaa baadi goob ugu jirta macalin cusub oo rasmi ah kadib markii ay kooxda ka direen Niko Kovac horaantii bishaan.

Kooxda heysata horyaalnimada Bundesliga ayaa horey u xaqiijisay in macalinka kumeelgaarka ah Hansi Flick uu sii ahaan doono layliyaha Allianz Arena.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan