Home / Cayaaro / Bayern Munich oo isaga hartay tartanka loogu jiro Kai Havertz

Bayern Munich oo isaga hartay tartanka loogu jiro Kai Havertz

Himilo – Bayern Munich ayaa ka hartay tartanka loogu jiro saxiixa cayaaryahanka Bayer Leverkusen ee Kai Havertz sida laga soo xigtay madaxweyne sharafeedka kooxda Uli Hoeness.

Mustaqbalka 21 jirka ayaa waxaa ka soo baxaya warar kala duwan iyada oo ay xiiseynayaan kooxo badan oo doonaya laacibka kahor ol-olaha 2020-21.

Lixidii billood ee ugu danbeysay, Chelsea ayaa si weyn loola xiriiriyay laacibka reer Jarmal kaasi oo la tilmaamay in uu ka tagayo Leverkusen inta lagu guda jiro suuq furanka xagaaga.

Si kasta, kooxda Bundesliga ayaa la rumeysan yahay inay iibineyso xiddigeeda, taasina waxay ku xeran tahay nuuca dalabaadka loo soo gudbiyo.

Sida laga soo xigtay Sports Lens, Chelsea ayaa ku tijaabineysa cayaaryahanka dalab ku kacaya £62m.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan