Bayern Munich oo lagu wado inay wada-hadal la sameyso macalin Luis Enrique?

Muqdisho – Macalinkii hore ee kooxda Barcelona, Luis Enrique ayey wararku sheegayaan in laga yaabo in uu noqdo macalinka kooxda reer Jarmal ee macalin la’aanta ah Bayern Munich.

Toddobaadkii lasoo dhaafay kooxda Jarmalka ayaa shaqada macalinimo ka raacdeysay tababbare Carlo Ancelotti kadib markii uu ku bilowday si liidata xagaagan labada koob ee Bundesliga iyo Champions League, dhowr macalin oo uu kamid yahay  Luis Enrique  ayaana lala xariirinayaa kooxda ka dhisan Allianza Arena.

Thomas TuchelJulian Nagelsmann and Louis van Gaal ayaa ah macalimiinta kale ee lala xariirinayo kooxda Bayer, hayeeshee waxa ugu horreeya sida ay wararku sheegayaan macalinkii hore ee Bardelona Enrique.

47-jirkan ayaa hadda ah shaqo la’aan kadib markii uu soo dhameystay saddex sano oo heshiis ah markii uu ku sugnaa Barcelona xagaagii dhamaaday, horraanta sanadkan ayaana laga yaabaa in uu mar kale xirto dharka macalinnimada.

Bayern ayaa ku qasban in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku hesho badelka Ancelotti si ay ugu dagaalanto horyaalka iyo tartamada kale oo ay ka qeyb galeyso.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan