Himilo – Saxafiga Dharmesh Sheth ayaa sheegay in Bayern wali xiiseynayso saxiixa weeraryahanka Manchester City Leroy Sane suuq furanka xagaaga soo socda.
Kooxda heysata horyaalka Bundesliga ayaa si weyn loola xiriiriyay cayaaryahanka Jarmalka kahor ol-olaha 2019-20 laakiin dhaawac canqowga ah ayaa soo gabagabeeyay fursadda uu laacibka uga tagi karay garoonka Etihad Stadium.
24 jirka ayaan heshiis cusub u saxiixin kooxda tababare Guardiola inkasta oo qandaraaskiisa uu dhacayo dhammaadka xilli cayaareedka soo socda.
Sheth ayaa xusay in Bayern wali xiiseynayso heshiiska laacibka xilli mugdi badan uu ka taagan yahay kubadda cagta adduunka sabab la xiriirta xannuunka safmareenka ah ee Corona.
Sane ayaa dhaliyay 39 gool isaga oo loo diiwaan geliyay 45 caawin 134 kulan oo uu u saftay kooxda Citizens tan iyo markii uu kaga soo biiray Schalke 04 xagaagii 2016-ka.