Home / Macluumaad / Bazoule – Xaafad dadka iyo yaxaasyada ay wadajir ugu nool yihiin!

Bazoule – Xaafad dadka iyo yaxaasyada ay wadajir ugu nool yihiin!

Himilo – Dhaqamada adduun-weynaha ka jira, xayawaannada waxaa loola dhaqmaa si fiican, naxariis iyo daryeel ku dhisan. Meelaha qaar waa la caabudaa. Diinta Hinduuga, tusaale ahaan, lo’da waxaa lagu qiimeeyaa garashadeeda dabiiciga ah. Balse xayawaan walba ma ahan mid aan qatar laheyn; yaxaaska waxaa beri hore laga caabudi jiray Faraaciintii hore ee Masaarida maadaama loo aaminsanaa inuu yahay tusaale ka nool Ilaaha Sobek.

Dalka Burkina Faso , magaalo 30-km u jirta caasimadda Ouagadougou, waxaa ku taalla xaafad yar oo ku taalla Bazoule, halkaas oo dadkeeda – kuwaas oo kasoo jeeda waranleydii hore ee Mossis – ay yaxaas u doorteen mid rabaayad u ah.

In kasta oo Bazoule ay dhacdo dalka aan bad laheyn, haddana waxay leedahay harooyin badan oo  ku dhawaad 150 yaxaas ay ku nool yihiin. Jiritaanka cabsida ay uga digtoon yihiin yaxaasyadan, dadka xaafadda ku nool dhib kuma qabaan inay la dhinac noolaadaan. Xaqiiqdii dadka Mossi waxay mararka qaar la ciyaaraan; ku dul jiifsadaan kuna fariistaan yaxaasyadan.

Dadka xaafaddani waxay ku faraxsan yihiin la noolaanshaha yaxaasyada. Hadda way daryeelaan. Wayna duugaan kolka ay baqtiyaan sida qofka caadiga ah ay u aasaan. Waxaa kale oo ay sameystaan xaflad sanadeed laguna magacaabo Koom Lakre.

Waxay u muuqataa in yaxaasyadani abaal-gudeen abid. Ku dhawaad 70 sano, lama sheegin dhimasho ku timid weerar yaxaasyadani soo qaadeen – hal xabo xittaa haba noqotee. Waana iska caadi in haweenku ay dharkoodu ku dhex meyrtaan harada kana soo gurtaan cowska ka baxaya hareeraha harada. Nuuc walba oo qaniinyo ah oo ka timaada yaxaasyadan, waxaa loo arkaa aweyti ama inkaar isir ka timid, balse aan ku imaanin caro ama dhirif ay qaadeen yaxaasyada.

Xaafaddani waxay soo jiidatay indhaha dad badan oo ay ku jiraan dalxiisayaal, hayeeshe kooxaha mayalka adag ee halkan ka jira ayaa caqabad ku ah in goobtani noqoto meel dalxiis oo dunida dacalladeeda looga kala yimaado. Sanadihii danbana waxa aad u yaraaday dalxiisayaashii imaan jiray.

Balse kuwa yimaada, waxay ku dalxiisaan si nabad ah. Tusaale ahaan, haddii dalxiisuhu doonayo inuu la kulmo yaxaas, waxaa qasab ah inuu iibsado hal digaag si bannaanka loogu soo saaro. Marka uu banaanka kuugu soo baxana, waxaad la geli kartaa sawir haddii aad geesi tahay – walibana waad ku dul jiifsan kartaa.

Tani ma ahan meesha kaliya ee yaxaaska lagula nool yahay si nabad ah. Dadka Paga oo ah xaafad ku taalla dalka Ghana ayaan sidan oo kale loola nool yahay. Waxay sheeganayaan inaysan wali dhicin in yaxaas oo qofka ka dilo abid.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan