Home / Cayaaro / Beckham oo doonaya Patrick Vieira inuu noqdo macallinka Inter Miami

Beckham oo doonaya Patrick Vieira inuu noqdo macallinka Inter Miami

Himilo- David Beckham ayaa lagu soo waramayaa inuu u arko ciyaaryahankii hore ee qadka dhexe ee kooxda Arsenal Patrick Vieira inuu yahay dooqa koowaad ee uu u noqon karo macalinkii ugu horreeyay ee Inter Miami sannadka soo socda.

Laacibkii hore ee qadka dhexe ee Manchester United iyo England, oo shan sano ku qaatay Los Angeles Galaxy, ayaa la siiyay abaalmarintiisii 25aad ee MLS franchise, taasoo u oggolaaneysa Miami inay ku biirto kHoryaalka  xilli ciyaareedka 2020.

Wararka ayaa sheegaya in xiddigo waa weyn – sida Luis Suarez, Luka Modric iyo David Silva – ay ku biirayaan kooxda.

Sida laga soo xigtay The Telegraph, Beckham wuxuu u arkaa Vieira, oo haatan maamula kooxda ka ciyaarta Ligue 1 ee Nice, inuu yahay dooqa koowaad ee doorkaas.

Waxaa la sheegaa in macalinka Belgium Roberto Martinez iyo macalinka River Plate Marcelo Gallardo ay sidoo kale kamid yihiin musharixiinta.

Vieira, oo ku hogaamiyay kooxda Nice kaalinta 7aad xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee kooxda, ayaa la sheegay inuu wadahadalo la yeeshay guddiga Nice oo ku saabsan doorka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan