Muqdisho – Belgium ayaa noqday xulkii ugu horreeyay ee Yurub ah oo u soo baxa Koobka Adduunka sanadka soo socda, ka dib markii Romelu Lukaku uu u dhiibay goolkii guusha kulankii Greece.
Waa xulkii lixaad ee xaqiijiya booskooda tartanka 2018, waxaana kasii horreeyay wadamada Brazil, Japan, Iran iyo Mexico oo lagu daray Russia oo marti-galinaya tartanka.
Belgium ayaa 22 dhibcood ka helay sideed kulan oo ay la ciyaareen xulalka kula jira Group H, Bosnia-ayaa kusoo xiga oo 14 dhibcood leh: halka Greece uu isna leeyahay 13 dhibcood: Gibraltar ayaan iyana wax dhibic ah laheyn.
Greece ayaa kaalinta 3aad u dhacday iyada oo leh 13 dhibcood ka dib markii ay hal dhibic ka heshay labo kulan oo gurigeeda ah afar maalmood gudahood.
Qore: Abdiaziz Adan Urur.