Home / Dhaqaale / Belgium: Shimbir lagu iibiyay 1.4 Milyan oo doolar

Belgium: Shimbir lagu iibiyay 1.4 Milyan oo doolar

Himilo FM –Shimbirka nuuca hadla ee loo yaqaan Babqaa ayaa sameeyay rikoor caalami ah markii lagu xaraashay 1.4 Milyan oo doolar sida laga soo xigtay warbaahinta dalka Belgium -ka.

Nin u dhashay Shiinaha ayaa iibsaday shimbirka oo lagu tiriyo inuu yahay midka ugu xawaaraha dheereeya taariikhda dalka Belgium -ka.

Armando ayaa loogu yeeraa shimbirka, waxaana uu jabiyay rikoorka shimbir kale oo ah nuuca hadla oo lagu iibiyay 425,000 doolar.

“Horraantii toddobaadkan ayay caddaatay in Armando noqon karto shimbirka ugu qaalisan ee lagu iibiyo xaraash online ah,” ayaa lagu qoray bogga Pipa ee wax ka qora shimbiraha hadla.

Bogga ma uusan shaacin cidda iibsatay shimbirka hase ahaatee warbaahinta Belgium -ka ee Belga ayaa tilmaamtay in nin ka soo jeeda Shiinaha laga iibiyay.

Armando waxay kamid tahay boqolaal shimbiro ah oo uu iibiyay ninka lagu qadariyo xanaaneynta shimbiraha ee dalka Belgium -ka Joel Verschoot.

Mr Joel ayaa shimbiraha ku xanaaneeya magaalada Ingelmunster ee dhacda galbeedka Belgium-ka, waxaana xaraashka online-ka ah uu furnaa toddobaadyo.

Axaddii tagtay, qoyska ninka ayaa iibiyay 178 shimbir oo ah nuuca Babqaa iyadoo laga bixiyay kharash dhan 2 Milyan oo Euro.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan