Home / Habka-Nolosha / Benitez oo leylin kara xulka Spain kadib shaqadiisa Newcastle United.

Benitez oo leylin kara xulka Spain kadib shaqadiisa Newcastle United.

Muqdisho – Tababaraha kooxda Newcastle United, Rafael Benitez ayaa sheegay inuu u furan yahay xilka tababaranimo ee xulka Qaranka Spain marka uu ka tago shaqadiisa hadda.

Benitez ayaa loo magacaabay xilka tababaranimo ee Magpies-ka bishii March 2016, isaga ayaana Newcastle dib ugu soo celiyey Premier League-ka kadib markii uu wacdaro kasoo dhigay Championship-ka.

Kooxda ayaa hadda fadhisa kaalinta 7aad ee kala sarreynta horyaalka waxeyna heysataa afar guul oo ka timid sagaal kulan, hayeeshe macalinkan Spanish-ka ah hoos uma dhigin shaqo caalami ah oo uu helo.

“Hadda xaaladaas kama hadlayo,” ayuu u sheegay Marca.

“Halkan waan ku faraxsanahay waxaana heystaa sanado heshiishkeyga ah, haddii aan halkan kusii wanaagsanaado waa laga yaabaa,” ayuu kusii daray hadalkiisa”.

Benitez ayaa u saxiixay saddex sano  oo heshiis ah Newcastle sanadkii lasoo dhaafay ee 2016.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

2 comments

  1. Stick to this dosage strictly propecia canada This suggests that tamoxifen may prevent the development of meningioma

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan