Muqdisho – Tababaraha kooxda Newcastle United, Rafael Benitez ayaa sheegay inuu u furan yahay xilka tababaranimo ee xulka Qaranka Spain marka uu ka tago shaqadiisa hadda.
Benitez ayaa loo magacaabay xilka tababaranimo ee Magpies-ka bishii March 2016, isaga ayaana Newcastle dib ugu soo celiyey Premier League-ka kadib markii uu wacdaro kasoo dhigay Championship-ka.
Kooxda ayaa hadda fadhisa kaalinta 7aad ee kala sarreynta horyaalka waxeyna heysataa afar guul oo ka timid sagaal kulan, hayeeshe macalinkan Spanish-ka ah hoos uma dhigin shaqo caalami ah oo uu helo.
“Hadda xaaladaas kama hadlayo,” ayuu u sheegay Marca.
“Halkan waan ku faraxsanahay waxaana heystaa sanado heshiishkeyga ah, haddii aan halkan kusii wanaagsanaado waa laga yaabaa,” ayuu kusii daray hadalkiisa”.
Benitez ayaa u saxiixay saddex sano oo heshiis ah Newcastle sanadkii lasoo dhaafay ee 2016.
Qore: Abdiaziz Adan Urur.




155 1994 2004 1995; Jackson et al get cheap cytotec no prescription
how effective is propecia Although the histogenesis of this neoplasm has been debated, evidence has begun to accumulate that this neoplasm may be more closely linked to carcinoma than to sarcoma