Home / Habka-Nolosha / Benzema oo heshiis cusub la galaya kooxdiisa.

Benzema oo heshiis cusub la galaya kooxdiisa.

Muqdisho – Karim Benzema ayaa heshiis afar sano ah la gaaray kooxdiisa Real Madrid kaas oo ku siman sanadka 2021-ka.

29-jirkan ayaa wali la jiifa dhaawaca soo gaaray kaas oo wali uusan awood u yeelan inuu xittaa ka qeyb-galo kulanka Real Betis.

Wuxuu maalinta berri ah qalinka ku duugi doonaa heshiiska gudaha xaflad lagu qabanayo gegida Santiago Bernabeu.

Benzema ayaa ku biiraya laacibiinta Isco, Marcelo iyo Dani Carvajal oo heshiis horay ula gaaray kooxda – halka macalin Zidane uu sheegay inuu waqti horeba go’aankeeda qaatay.

Taniyo markii uu kusoo biiray kooxda, wuxuu dhaliyay 182 gool dhammaan 371 kulan oo uu kooxda u saftay.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan