Home / Habka-Nolosha / Bernardo Silva: “Waan jeclaan lahaa in Kylian Mbappe uu yimaado Manchester City.”

Bernardo Silva: “Waan jeclaan lahaa in Kylian Mbappe uu yimaado Manchester City.”

Muqdisho – Bernardo Silva ayaa ka hadlay xiisihiisa ku aadan in uu arko saaxiibkiis hore ee AS Monaco, Kylian Mbappe oo kusoo biiraya Manchester City.

22 jirkan qadka dhexe ka ciyaara ayaa usoo dhaqaaqay Etihad Stadium bishii May isaga oo ku yimid lacag gaaraysa £43 milyan markii uu kooxda Monegasque ka caawiyay in ay ku guulaystaan horyaalka Ligue 1-ka.

Mbappe ayaa hadda kamid ah ciyaaryahannada ugu muhiimsan ee yaalla suuqa kala iibsiga, waxaana xiisaynaya kooxaha ugu tunka weyn qaaradda Yurub oo ay kamid yihiin Real Madrid iyo Barcelona.

Silva ayaa u sheegay Sky Sports News: “Mbappe waa ciyaaryahan weyn, waan jeclaan lahaa isagu in uu halkaan yimaado.”

“Mbappe wuxu noqon doonaa Superstar,” ayuu kusii daray.

“Waa wax wanaagsan in aad haysatid qof isaga oo kale ah marka aad tahay ciyaar yahan qad dhexe, maxaa yeelay wuu dhaqsi badan yahay; waa xirfadle sare iyo dhamaystire wanaagsan.”

Mbappe ayaa qudhiisa sheegay inuu doonayo ka tagista kooxda gaartay afar dhamaadka Champions League xagaagii lasoo dhaafay.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan