Himilo – Bilyaneer u dhashay dalka Jabaan ayaa dadka kala socda bartiisa Twitter-ka kala gaarsiinaya lacag dhan 9 Milyan oo doolar isaga oo qiimeynaya haddii lacagtaasi kor u qaadi karto farxadooda iyo inkale.
Shuruuda keliya ee laga doonayo dadka la siinayo lacagta waa inay la wadaagaan asxaabtooda farriiinta bilyaneerka ee boggiisa Twitter-ka.
Yusaku Maezawa ayaa hal bilyan oo lacagta Yen-ka ah u qorsheeyay asxaabta ku xeran boggiisa Twitter-ka iyadoo adduunka lacageed loo qeybin doono 1000 kamid ah dadkaasi.
Ninka ka taajiray tiknolojiyadda ayaa muuqaal uu soo dhigay Youtube-ka kaga hadlay tartanka oo uu ku tilmaamay mid muhiim ah islamarkaana qiimeynaya saameynta lacagta ku leedahay nolosha qofka.
Ms Maezawa ayaa ku booriyay tartamayaasha guuleysta inay ku bixiyaan lacagta wax kasta oo ay xiiseynayaan.
Guuleysta kasta ayaa la weydiin doonaa su’aalo looga baahan yahay in uu ka jawaabo oo la xiriira isticmaalka lacagta si loo qiimeeyo raadka ay ku reebtay.