Home / Cayaaro / Bilyaneer ka soo jeeda Afrika oo doonaya in uu iibsado Arsenal

Bilyaneer ka soo jeeda Afrika oo doonaya in uu iibsado Arsenal

Himilo – Bilyaneerka reer Nigeria ee Aliko Dangote ayaa shaaciyay in uu qorsheynayo in uu iibsado kooxda Arsenal inta lagu guda jiro labada sanno ee soo socota.

Majirin wax bandhig iib ah oo ay tilmaamtay Kroenke Sports & Entertainment islamarkaana ku saabsan Gunners.

Si kasta, Dangote oo loo arko in uu yahay ninka ugu lacagta badan Afrika ayaa daaha ka qaaday in uu iibsanayo kooxda horyaalka Ingiriiska ee Arsenal.

“Waxaan u dhaqaaqi doonaa Arsenal 2020-ka xattaa hadduu uu qof kale iibsado, waan daba soconeynaa,” ayuu Dangote u sheegay barnaamijka David Rubenstein Show.

Waxa uu intaa raaciyay “Waa koox aan jeclahay in aan mar iibsado, balse waxa aan idin sheegi karaa in maanta aan gacanta ku heyno mashaariic ku kaceysa 20 Bilyan oo doolar oo ay tahay in aan diiradda saaro.”

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan