Home / Dhaqaale / Bilyaneerka Afrika ee Aliko oo talo kaa siinaya lacagaha la dhigto bankiga

Bilyaneerka Afrika ee Aliko oo talo kaa siinaya lacagaha la dhigto bankiga

Himilo FM –Bilyaneerka reer Nigeria Aliko Dangote oo sidoo kale loo yaqaan “ Ninka ugu taajirsan Afrika” ayaa ka sheegay madal ka dhacday Ivory Coast in uu mar tagay Banki islamarkaana uu kala soo baxay 10 Milyan oo doolar oo kaash ah si uu u eego isaga oo hubinaya inay tahay lacag rasmi ah.

Waxa uu ku tilmaamay sababta uu tallaabadaasi u sameeyay inay tahay mid uu ku hubinayay in lacagta bankiga u taalla aysan aheyn keliya tirooyin lagu qoray waraaqo.

“Marka aad dhallinyaro tahay, halka Milyan ee kuugu horreeya waa muhiim hase ahaatee wixii ka danbeeya macno weyn malaha,” ayuu yiri Aliko Dangote.

Waxa uu intaa raaciyay “Maalin, waxaan soo qaatay 10 Milyan oo kaash ah, waxaan dhigay qolkeyga, waan fiiriyay, waxaana xaqiiqsaday inaan heysto lacago kaddib ayaan ku celiyay bankiga.”

Dhinaca kale, Mr Dangote ayaa sheegay mustaqbalka Afrika in uu ku tiirsan yahay dhinacyada beeraha iyo tiknolojiyadda cusub balse waxa uu ku dhiira geliyay dhallinyarada qaaradda ee leh hal-abuurka inaysan ku hakan guushooda hore.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan