Home / Arrimaha Bulshada / Bilyuneer guurka gabadhiisa kugu siinaya 300 kun oo doolar!

Bilyuneer guurka gabadhiisa kugu siinaya 300 kun oo doolar!

Himilo FM –Go’aan si weyn loola yaabay ayuu noqday hase ahaatee gabadha aan wali guursan waxay noqon doontaa riyada rag badan oo caalamka ku nool.

Nin bilyuneer ah ayaa u soo bandhigay gabadhiisa nin kasta oo doonaya inuu guursado iyadoo uu siinayo lacag dhan 300 kun oo doolar sida uu qoray wargeyska Daily Mail.

Warka waxaa si weyn loogu hadal hayay warbaahinta bulshada iyadoo la tilmaamay in maalqabeenka reer Thailand Arnon Rodthong uu diyaar u yahay in uu 300 kun doolar siiyo nin kasta oo guursanaya gabdhiisa Karnsita.

Waxaa intaa dheer in hantida qoyska lagu qoray magaca ninka nasiibka leh ee loo xusho guurka gabadha 26 jirka ah.

Bilyuneerka oo da’diisu tahay 58 jir ayaa leh beer weyn oo horumarsan oo ku kacaysa qiimo dhan malaayiin doolar oo ku taalla koonfurta Thailand.

Mr Arnon ayaa go’aankan u sameynaya isaga oo aaminsan inuu ugu daneynayo mustaqbalka gabadhiisa.

Ms Karnsita ayaa ka caawisa aabaheed maamulka ganacsiga qoyska, waxay si wanaagsan ugu hadashaa luqadaha Shiinaha iyo Ingiriisiga.

Ugu danbeyn, bilyuneerka ayaa sheegay inaysan jirin shuruudo gaar ah oo laga doonayo qofka guursanaya gabadha laakiin waxa uu xusay inuu mar kasta ka shaqeynayo farxadeeda.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan