Home / Cayaaro / Blaise Matuidi oo wadahadalo kula jira kooxda Juventus

Blaise Matuidi oo wadahadalo kula jira kooxda Juventus

Himilo- Blaise Matuidi ayaa wadahadalo la galay kooxda Juventus oo ku aadan heshiis cusub.

Khadka dhexe ayaa qandaraaskiisa haatan waxa uu dhacayaa xagaaga soo aadan, laakiin wuxuu doonayaa inuu kordhiyo joogitaankiisa kooxda, sida ay soo warinayso Football Italia.

Matuidi ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo Juventus, iyadoo Monaco iyo kooxdiisii hore ee Paris Saint-Germain ay xiiseynayeen inay la wareegaan.

32 jirka ayaa wararka ka tagistiisa Turin ee xagaagan  keentay ka dib markii kooxda heysata horyaalka Talyaaniga ay la saxiixatay Aaron Ramsey iyo Adrien Rabiot si ay u horumariyaan khadka dhexe.

Ninka reer France ayaa arki doona heshiiskiisa haatan oo dhacaya dhammaadka bisha June 2020, laakiin sida laga soo xigtay Calciomercato, kooxda ka ciyaarta Serie A waxay dooneysaa ciyaaryahanka khadka dhexe inuu sii kordhiyo joogitaankiisa kooxda.

Ku guuleystaha Koobka Adduunka 2018 ayaa Juve u saftay 90 kulan – kaas oo gacan ka geystay 7 gool – tan iyo markii uu uga soo biiray Paris Saint-Germain xagaagii 2017.

Si kastaba, inkasta oo ay soo jeedinayeen in Matuidi uusan qeyb ka aheyn qorshaha tababaraha cusub ee Maurizio Sarri, 32 jirka ayaa ku billowday labada kulan ee Juventus illaa iyo haatan xilli ciyaareedkan.

Intii uu joogay kooxda, Matuidi wuxuu ku guuleystay laba horyaal oo Serie A ah, Coppa Italia iyo Supercoppa Italiana.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan