Home / Habka-Nolosha / Bolotelli:- Ma Aqaano Jurgen Klopp.

Bolotelli:- Ma Aqaano Jurgen Klopp.

Mario Balotelli ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in xiriir uusan la laheyn Jurgen Klopp maamulaha Liverpool,kaasi oo si fudud ugu sheegay inuu kooxda amaan ahaan uga tago.

hd-mario-balotelli-nice_1sgnb6d4trk6616hn4p8slnupr

http://radiohimilo.so

Xiddigan Reer Talyaani ayaa waxa uu hesshiis la saxiisay Brendan Rodgers sanadkii 2015 tii isagoo xilligaa ka yimid AC Milan,laakiin waxaa u suurata gali weyday inuu saameyn yeesho ka hor inta uusan ku laaban Rossoneri .

Waxa uu hadda ku dheelaa Nice-waxaa u suurta gashay inuu lix gool dhaliyo shan kulan oo uu ka qeyb galay ka dib markii uu si lacagan la’aan aha uu uga tagay Liverpool dabo yaaqadii Xagaagan.

Bolotelli ayaa waxa uu sheegay in uusan jirin wax fursad ah oo uu dib ugu laabanayo Garoonka Liverpool ee Anfield waxa uuna meesha ka saaray in wax isfahan ah uu dhex maray Klopp.

“Klop ? Ma aqaano ,”Bolitelli ayaa sidaa waxa uu u sheegay Sky Sports Italia.”Waxa uu ii sheegay inaan Deyn ahaan uga tago ka dibna aan ku laabto. waxaan Iri “Mahadsanid,Bye”.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan